Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya ayaa meydkiisa xalay laga helay guri uu ka deganaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho
Marxuumka ayaa la waayey saacadihii la soo dhaafay, isagoo aan soo xadirin shaqada, taas oo shaki badan ku dhalisay dadkii ay shaqo wadaaga ahaayeen.
Baaritaan dheer kadib, waxaa isagoo meyd ah laga helay gudaha guri uu ka deganaa gigida duyuuradaha Aaden Cadde, waxaana geeridiisa ay dhalisay hadal heyn fara badan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka uu is dilay, halka warar kalana ay tilmaamayaan in lagu dilay xarig, waxaana sida la sheegayo oogadiisa ka muuqda astaamo bidhaaminaya in xarig dhuunta looga xiray, taasna ay sababtay geeridiisa.
Marxuumka oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, ayaa sida la sheegay keligiis deganaa guriga lagu dhex dilay, waxaana booliska Soomaaliya ay billaabeen baaritaan la xiriira qaabkii uu falkani u dhacay.
Booliska oo arrintaasi daba jooga ayaa soo xiray dhowr qof kuwaas oo lala xiriirinayo kiiskan, waxaana dadkaasi ay iminka ku sugan yihin xarunta hay’ada denbi baarista Soomaaliya CID.
Geerida Marxuumkan, ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmihii ugu danbeeyey uu muran badan ka taagnaa arrimaha la xiriira maamulka hawada Soomaaliya, waana sababaha keenay shakiga aadka u badan.