Saturday, September 13

Shirkadaha Soomaaliyeed ee loo xil saaray adeega Xajka, ayaa waqtigan lagu hayaa baaris ku aaddan in ay ku kaceen falal la xiriira masuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa ka dhawaajiyey in shirkadahan ay ku kaceen falal la xiriira masuq maasuq, iyagoo dadka ku qaaday lacago ka badan tii ay Wasaarada Arrimaha dibadda diiwaan-gelisay.

Eedan ayaa sidoo kale taabaneysa Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, taas oo siyaabo aan habooneyn usoo xulatay shirkadaha ka shaqeynaya adeegyada Xajka ee sanadkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyey dagaal kula jirtay Masuq maasuqa, waxaana arrintan xabsiga u dhex jiifa masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda.

Exit mobile version