Thursday, March 12

Iyada oo weerarradu ka socdaan Lebanon, waxaa saacadihii la soo dhaafay la soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku saxiixnaayeen 29 dal oo caalami ah, iyagoo muujiyey walaacooda.

Dalalkan ayaa ku baaqay in dagaalyahannada Hezbollah ee Lebanon ay hubka dhigaan, halka ay sidoo kale ku boorinayaan Israel inay ka fogaato weerarrada kaabayaal rayid ah ama deegaano aad u badan dadka ku nool.

Bayaan-ku wuxuu sidoo kale cambaareeyey weerarkii 6-da Maarso ee lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta Qaramada midoobey ee Lebnaan jooga ee (UNIFIL), kaasoo dhaawacay afar askari. Warqaddu waxay sheegtay in “kuwa mas’uulka ka ah weerarka” ay tahay in lagu soo rogo mas’uuliyad, iyada oo aan la magacaabin cid gaar ah.

Wasaaradda caafimaadka Lebanon ayaa sheegtay in ugu yaraan 634 qof la dilay iyo in ka badan 1,500 oo kale ay dhaawacmeen tan iyo markii weerarrada Israel ay bilaabmeen 2-da Maarso.

Exit mobile version