Saturday, September 13

Ayatulah Cali Khamenei Hoggaamiyaha Iran ayaa maanta khudbad ballaaran ka jeediyey Tehran, isagoo digniin hor leh u diray Israa’iil.

Ayatulah ayaa guul ku tilmaamay weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in iska caabinta weerar walba oo ay Israa’iil soo qaado.

Ayatullah ayaa Xisbulah ku tilmaamay koox u taagan difaaca sharafka Islaamka, taas oo sida uu sheegay ah hadafka keliya ee ay u taagan tahay Iran.

Hadalka Ayatulah ayaa imaanaya, xilli Israa’iil ay ku hanjabtay in ay ka aargudaneyso Iran, kadib weerarkii Gantaalada ahaa ee lagu soo qaaday Israa’iil.

Exit mobile version