Sunday, September 14

Maxkamada deegaanka isku raranka ah ee Kibera ee magaalada Nairobi ayuu mar kale ka soo muuqday Axmed Rashiid oo ahaa sarkaal ka tirsan booliska Kenya, kaas oo loo heysto dilka rag dhallinyaro ah.

Maxkamada ayaa guda gashay Dhageysiga kiiska Axmed Rashiid, waxaana ninkan loo heystaa dilka 41-qof, kuwaas oo dhamaantood ahaa dhallinayaro, faraha kula jiray falal lidi ku ah amniga Kenya.

Axmed Rashiid ayaa lagu eedeeyey inuu adeegsaday awood xad-dhaaf ah, waxaana muuqaal la duubay 31-kii Bishii March ee sanadkii 2017, la arkayey isagoo bartamaha Nairobi ku tooganaya labbo dhallinyaro ah, oo waday falal lidi ku ah amniga.

Shacabka Kenya ayaa arrintaasi ka sameeyey dibadbaxyo, waxaana marar kala duwan ay ku celiyeen in maxkamad la soo taago Axmed Rashiid, oo ay ku eedeeyeen inuu ku takri falay awooda hubka dowladda ee gacantiisa ku jiray.

Baaqyada kala duwan ee ka imaanayey shacabka Kenya iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sababay in xabsiga loo taxaabo, isla markaana la soo taago Maxkamad.

Exit mobile version