Monday, September 15

(Hortabin Media) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, ayaa xilligan xoogga saaraya sidii uu u xalin lahaa khilaafka mudada dheer kala dhaxeeya siyaasiyiinta gobolka Gedo.

Khilaafkan ayaa sababay in Jubaland aanay ka shaqeyn deegaanada gobolka Gedo, oo ka mid ah meelaha uu maamulku ka arrimiyo.

Axmed Madoobe oo ku sugan iminka Muqdisho ayaa kulan la qaatay ninka ay sida weyn u kala aragti duwan yihin ee Axmed Buulle Gareed, oo ah guddoomiyihii hore ee maamulka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa masuulkan ka dhageystay tabashada uu qabo, isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka jira, isla markaana loo heli lahaa Jubaland mid ah.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kulanka labada masuul uu ku soo dhamaaday jawi fiican, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la sii amba qaado wada hadallada.

Wada hadalladan ayaa haddii lagu guuleysto saamaxaya, in gudaha Jubaland ay ka billawdaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, oo iminka arrinta cuuryaamineysa ay tahay xiisada ka taagan Gedo.

Exit mobile version