Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxmed Islaan Axmed Madoobe ayaa waqtigan qorsheynaya, sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka aloosan gobolka Gedo.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tagayo gobolkaasi, isla markaana laga furayo wada hadal si loo xaliyo khilaafka mudada dheer halkaasi ka taagan.
Wuxuu xusay Madoobe, inuu la kulmi doono dhamaan qeybaha bulshada, iyadoo qof walba lagu ixtiraamayo mansabkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.
Gedo ayuu sheegay in ay tagi doonaan golihiisa wasiirada, si ay u suura gasho in hay’adaha maamulkaasi ay halkaasi ku shaqeeyaan.
In ka badan 3 sano waxaa taagnaa khilaaf ba’an oo ka dhex jiray maamulka Jubaland, gaar ahaan siyaasiyiinta Gedo oo diidanaa in deegaanadooda uu ka arrimiyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.