Monday, November 10

Gudaha Sudan waxaa waqtigan xasuuq ba’an ka geysatay kooxda RSF, taas oo kumanaan rayid ah ku dishay gudaha dalkaasi, hadaba maxaa laga yaqaan kooxdan goormee ayaana la aas aasay.

aynu ku bilawno Ciidamada RSF waxaa la aas aasay sanadkii 2013-kii, waxay asal ahaan ka soo jeedaan maleeshiyada caanka ah ee Janjaweed ee sida arxan darada aheyd ula dagaalantay fallaagada Darfur, iyagoo lagu eedeeyay inay isir sifeyn ka geysteen halkaas.

Tan iyo markaas, Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo waxa uu dhisay ciidan awood leh oo faragelin ku yeeshay colaadaha Yemen iyo Liibiya. Waxa kale oo uu horumariyay dano dhaqaale oo ay ka mid yihiin maamulidda qaar ka mid ah macdanta dahabka ee Suudaan.

Ciidamada RSF ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu kamid yahay xasuuqii loo geystay in ka badan 120 oo dibadbaxyo dhigayay bishii June 2019.

Ciidan awooddaas leh oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda ayaa loo arkay inay dalka xasilooni darro ka abuurayaan. taas oo aakhirkii dhab noqotay

RSF waa awoodda dhabta ee ka jirta Suudaan, waxay isugu jiraan maleeshiyo beeleedyo, ganacsato iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah.

Waxaa falaagadan hoggaamiyaa Janaraal Maxamed Xamdan Daglo, waxana isaga iyo dagaalyahandiisa ay soo mareen marxalado kala duwan tan iyo markii ay bilowdeen iyagoo ah maleeshiyo beeleed Carab ah oo inta badan si weyn loogu yaqaanay magaca “Janjaweed”.
‘Jaanjaawiid’
Ciidamada ugu badan kooxda Jaanjaawiid ayaa waxay ka soo jeedaan beelaha Muhaamid iyo Muhaariya ee geela dhaqda oo ka soo jeeda beesha Rizeigat oo ku nool waqooyiga gobolka daarfuur iyo xadka Chad ee ku teedsan dhulka saxaraha u badan.

Inta u dhaxeysay 2003-2005 oo uu socday dagaalka iyo xasuuqi Daarfuur hoggaamiyaha ugu magac dheeraa Jaanjaawiid wuxuu ahaa Musa Hilal, oo ah hoggaamiyaha Mahaamid.

Kooxda Jaanjaawid marki ay ku guuleysteen dhiig daadinta, Mr Bashir wuxuu u sameeyey qaab dhismeed uu ugu yeeray Kooxda Sirdoonka Xadka.

Hal guuto oo ciidamadaasi ka mid ahna wuxuu ka howl geliyey gobolka daarfuur, waxaana ciidamadaasi ka mid ahaa Mohamed dagalo oo loo yaqaanno “Hemeti”.

Ninkan oo waxbarashada caadiga ah aan heer sare ka gaarin ayaa muddo kooban ganacsata ahaa, wuxuuna Hemeti uu ka soo jeedaa Mahaariya oo ka tirsan beesha Rizeigat. Dadka qaar waxay sheegaan awoowgii inuu ahaa hoggaamiya caan ah oo degganaa dalka Chad.

Xilliga ugu adkaa uu Hemeti uu soo maray wuxuu ahaa 2007-dii marki ay ciidamadiisa xukumadda Khartoum ku guul darreysatay iney mushaar siiso.

Hemeti iyo ciidankiisaba waxay ka mucaaradeen dowladda, iyaga oo ku dhawaaqay “ilaa iyo qiyaamaha” inay la dagaallamayaan xukumadda Khartoum, waxayna ka baxeen heshiisyadi ay la galeen kooxaha ka dagaallama daarfuur.

Filim xilligaasi laga sameeyey kooxdan ayaa lagu arkayaa kooxda Jaanjaawid oo ciidama cusub oo tabarrucayaal ah oo beelaha kala dadka madowga ka soo jeeda oo ay horay cadow u ahaayeen qoranaya si ay uga barbar dagaallamaan miiliishiyada carabta u badan ee Jaanjaawiid.

Taliyaha Kooxda Hemeti wuxuu ka soo jeedaa beesha Mahariya, inkasta oo uu ciidamada ka qortay dhammaan beelaha kala duwan.

Waxaa jirtay iney garab ka mid ah ciidama ka tirsan dowladda oo uu hoggaaminayo Mohamedein Ismail “Orgajor” oo ka soo jeeda beesha Zaghawa uu ka soo goostay dowladda ayna noqdeen xoog kale oo ku soo biiray kooxaha ka dagaallama Daarfuur.

Mideynta Xoogagga
Hemeti wuxuu ku soo laabtay Khartoum isaga oo looga yeeray heshiis aad u soo jiitay: sida in ciidamadiisa wixi mushaar oo ka maqnaa oo dhan la siiyo, in isaga iyo saraakiishiisa la dallacsiiyo iyada oo loo dallacsiiyey sarreeya guuto, iyo lacago fara badan oo gacanta laga saaray.

Heshiiskaasi kaddibna waxaa ciidamadiisa la hoos geeyey laanta sirdoonka qaranka ee NISS, oo hoggaamineysay dagaalki Chad uu la galay dalka Suudaan.
Qaar ka mid ah ciidamada Hemeti oo sheeganaya magaca mucaaradka Chad, waxay dagaal ku qaadeen magaala madaxda Chad ee N’Djamena 2008-dii.

2013-kiina wuxuu Hemeti aasaasay xoogagga looga magacdaray RSF oo marki dambe Jaanjaawi looga yeeri jiray.

Abbaanduulaha guud ee ciidamada Suudaan ciidamadaaasi la sameeyey iyo awoodda dheeraadka ee la siiyey laanta sirdoonka Suudaan Mr Bashir laftiisa waxay ku abuurtay welwel aad u weyn.

Ciidamada RSF waxay ka dagaallameen Koonfurta Kordofaan iyaga oo si anshax xumo ah ula dhaqamay, halka ay Daarfuur si wanaagsan ula dhaqmeen, waxaana kooxdan waqtigan si weyn u taageero Imaaraadka Carabta, inkastoo uu iska diido.

Exit mobile version