Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Wasaarada Duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saartay, awaamiir ay u jeedineyso Shirkadaha diyaaradaha ka duula garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho.
Amarka ka soo baxay Wasaarada duulista hawada, ayaa ka kooban 4 qodob, kuwaas oo kala ah:

1- Waxaa lagu wargelinayaa shirkadaha diyaaradaha in aan rakaab lasoo xarey karin 3-saac ka hor waqtiga ay diyaaradu duuleyso.

2- In shirkadaha diyaaraduhu ay tikitka ku cadeeyaan waqtiga rasmiga ah ee diyaaradu ay ka ceyso.

3- Counterka looma furi doono shirkad aan heysan diyaarad ay ku qaado rakaabka, taas oo ay u dhanyihiin dhammaan shuruudihii looga baahnaa badqabka iyo duulimaadka.

4- Iyadoo la dhowrayo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed shirkadii u hoggaansami weysa qodobada warqadaan ku xusan waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka howlgasho garoonka Aadan Cadde.

Amarkan ka soo baxay Wasaarada duulista hawada Soomaaliya ayaa yimid, kadib cabasho badan oo ka timid muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo dhibaato xooggan ku qabay la tacaamulka shirkadaha diyaaradaha ka duula Muqdisho.

Exit mobile version