Sunday, September 14

Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo rogay awaamiir kala duwan oo quseysa amniga magaaladaasi oo maalmihii ugu danbeeyey faraha ka sii baxayey.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo isagu amarkan soo saaray, ayaa bulshada ku amray in laga fogaado isticmaalka maskiga afka lagu daboosho.

Maamulka ayaa sheegay in ay helaan xogo la xiriira xubno Al Shabaab ka tirsan, kuwaas oo bulshada isku dhex qarinaya iyagoo wata af saabka.

Maamulka ayaa sidoo kale mamnuucay in xilliyada habeenkii ay magaalada Baydhabo soo gaalaan gawaarida waa weyn ee xamuulka ah, sababo la xiriira amniga magaalada.

Inkastoo uu mudooyinkii ugu danbeeyey sii xumaanayey amniga Baydhabo haddana maamulka ayaa isku dayaya in ay xoojiyaan dadaalada la xiriira xaqiijinta amniga.

Exit mobile version