Friday, September 12

Ciidamada dowladda ayaa maanta ciidamada ATMIS kala wareegay amniga xarunta Madaxtooyada, taas oo soo gaba-gabeysay masuuliyadii ay ATMIS ka heystay Villa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii, oo ah muddo laga joogo 16-sano.

Ciidamada ATMIS kala wareegay amniga Madaxtooyada ayaa ah kuwo Soomaaliyeed oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Serbia.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha la filayo in ATMIS ay Soomaaliya uga baxdo sanadka 2024-ka, iyagoo kal hore wareejiyey saldhigyo badan oo ay kaga sugnaayeen gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa qorshihii ay ciidamada Soomaaliyeed ula wareegi lahaayeen amniga dalka, waxeyna dowladdu ku bixineysaa arrintaasi dadaalo xooggan.

Qorshahan ayaa ka dhigan in markii ugu horeysay ciidamo Soomaaliyeed lagu aamino amniga Madaxtooyada,  wixii ka danbeeyey bur burkii dalka iyo helitaanka dowlada rasmi ah oo aan KMG ahayn.

Exit mobile version