Thursday, September 11

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS, ayaa ka warbixiyey qorshaha ay ku dhimayaan ciidamadooda, kadib bayaan ay soo saareen.

Taliska ATMIS ayaa cod dheer ku sheegay in la guda galay dhimista lagu sameynayo ATMIS, waxaana maalmaha soo socda baxaya 2-kun oo askari oo howlgalka qeyb ka ahaa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ATMIS ay wareejiyeen Saldhig ay ciidamada Burundi ku lahaayeen maamulka Hirshabelle, waxaana saldhigaasi loo gacan geliyey ciidamada xoogga Soomaaliya.

Dhimista lagu sameyanayo ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS, ayaa waxaa walaac ka muujiyey qubaro badan oo amni iyo madaxda dalalka howlgalkaasi qeybta ka ah, kuwaas oo shaki galiyey in ciidamada Soomaaliya ay qaadi karaan masuuliyada amniga dalkooda, xilli weerarada Al Shabaab ay yihiin kuwo isi soo taraya.

Bishii April ee sanadkii aynu ka soo gudubnay ayey ahayd markii howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari, loo baddelay howlgalka ATMIS.

Exit mobile version