Tuesday, September 16

(Hortabin Media) – Ciidamada Midawga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa faarujiyey saldhigyo hor leh, oo ay ku sugnaayeen sanadihii ugu danbeeyey.

Saldhigyada ay ka baxeen ciidamada ATMIS ayaa ku yaalla deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, oo ay ku lahaayeen fariisin ay ku joogeen 10-kii sano ee ugu danbeysay.

Ciidamada ATMIS ayaa saldhigaasi ku wareejiyey ciidamada dowladda Soomaaliya, waana qorshe ka mid ah wajigii labaad ee dhimista lagu sameynayo ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika.

Saldhiga Biyo Cadde, waxaa si gaar ah ugu sugnaa ciidamada dalka Burundi, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta ATMIS, wuxuuna ahaa saldhig ku yaalla goob Istaraatiiji ah, oo lagu difaaco magaalada Jowhar.

Dhawaan ayey ahayd markii gollaha amaanka Qaramada Midoobay ay soo saareen qaraar sheegaya in dhimis lagu sameynayo ciidamada ATMIS, kuwaas oo gebi-ahaanba si buuxda Soomaaliya uga baxay dhamaadka sanadka 2024-ka.

Exit mobile version