(Hortabin Media) – Waxaa gudaha Muqdisho ka billaabatay Maxkamadeyn askar ka tirsan ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwo Ugandha, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay muujiyeen fuleynimo, weerarkii kal hore ay Al Shabaab ku qaadeen saldhigii ATMIS ee Buulo-Mareer.
Maj Steven Oluka iyo Maj Zadock Obor, oo taliyeyaal ka ahaa laba saldhig militari oo ku yaalla Shabeelaha hoose ayaa ku guuldareystay in ay dhiira-geliyaan ciidamadii ay hoggaanka u ahaayeen.
Sida lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay Ugandha, ciidamada ayaa dusha looga tuuray masuuliyada weerarkii ay Al Shabaab ku qaadeen bishii May saldhiga ATMIS ee Buulo-Mareer.
Waxaa sidoo kale la maxkamadeyn doonaa afar sarkaal, kuwaas oo iyagana ku guuldareystay in ay ilaaliyaan hubkii yaallay xerada, kaas oo u gacan galay Al Shabaab.
Dhamaan kiisaskan dacwadooda qeybaha hore ayaa lagu qaadayaa gudaha Muqdisho, waxaana intaa kadib lala aadi doonaa Makindye oo ku taala caasimada Ugandha ee Kampala ahna fadhiga Maxakmada ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.