Sunday, September 14

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horeysay maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, tan iyo markii laga xoreeyey Khawaarijta arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

Mohamed Suleemaan Nuur

Sidoo kale Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa Imtixaanka gelaysa, waxaana goobaha Imtixaanka lagu qaadayo ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, kuwaas oo u xil saaran ilaalinta iyo kormeerka goobaha imtixaanka lagu gelayo.

Exit mobile version