Friday, September 12

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jimcihii hadal uu ka jeediyey masjidka Madaxtooyada waxa uu ku dheeraaday ka hadalka arrimaha masuq maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda, wuxuuna xusay in ay jiraan dad badan oo lagu tuhmayo in hanti qaranku leeyahay ay lunsadeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay, in dowladdiisu ay la dagaallami doonto masuq maasuqa isla markaana isla xisaabtan uu jiri doono.

Haddaba sidee loo arkaa khudbada Madaxweynaha, waqtiga ay ku soo beegantay iyo qorshaha cusub ee ay dowladdu ku dhawaaqday ee ku aaddan la dagalaanka maasuq maasuqa.

Dr Cali Saciid Maxamuud Kulane, waa Aqoonyahan ka faalooda siyaasada Afrika, wuxuuna aaminsan yahay in khudbada madaxweynaha ay ku soo beegantay waqti loo baahna, waana arrin kaalin ka geysaneysa hannaanka deyn cafinta.

Wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Muqtaar ayaa sheegay in masuq maasuqu uu isugu jiro noocyo kala duwan, loona baahan yahay in mid kasta loo maro sharuucdiisa u gaarka ah.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in masuq maasuqu uu ka soo billawdo arrimaha doorashada, gaaar ahaan qaabka lagu hanto kuraasta dowladda, oo dhaqaalle lagu bixiyo, sida uu ku waramay Axmed Cabdulaahi oo horey Wasiir ku xigeen uga soo noqday Maamulka Galmudug.

Xubnaha ka hadlay qorshaha dowladda ee ku wajahan la dagaallanka masuq maasuqa ayaa waxaa ka mid ah Hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaalle, oo sheegay in dowladdu ay waajib ku tahay howlaha iminka socda iyo ka hortaga musuqa, wuxuuna xusay in arrintan aan cid gaar ah loola dan lahayn.

Exit mobile version