Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa si faahfaahsan uga hadashay arrimaha dagaalka Iiraan intii lagu jiray shir jiraa’id oo ay warbaahinta kula hadashay saacado ka hor, iyada oo sheegtay;
In ay jiraan wada hadallo meel fiican maraya oo uu Donald Trump la leeyahay Iiraan, inkasta oo Tehraan ay sheegtay inay diiday qorshe nabadeed oo ka yimid Maraykanka.
Afhayeenka waxay tiri qorshe ka kooban 15 ma jiro waxa baraha bulshada lagu faafinayey waa “mala-awaal”, balse arrimaha “qaar ka mid ah waa run”, waxa ayna iska diiday inay faahfaahin ka bixiso sida ay wadahadalladu u socdaan.
Dhanka kale, gudaha Maraykanka, dadku waxay sii wadaan cabashooyinka ku saabsan kororka qiimaha shidaalka. Leavitt waxay ku qancisay in Trump uu ku dadaalayo inuu qiimaha “hoos ugu hayo intii uu awoodo” inta uu dagaalku socdo.
Afhayeenadda Aqalka Cad ayaa sidoo kale diiday inay ka jawaabto su’aalo ku saabsan suurtagalnimada in ciidamo Maraykan ah si toos ah loogu diro Iiraan, balse haddii la qaadayana waxay sheegtay in oggolaansho rasmi ah oo ka timaadda Congress-ka aan loo baahnayn arrintaas.
Su’aasha weyn ee marar badan soo noqnoqota, inteese dagaalku ku dhow yahay dhammaad?
su’aasha ugu weyn ee markasta la weydiiyo waa “inta ay suuragalka tahay in dagaalka la joojiyo”?, Leavitt waxay ku celisay uun hadalka Aqalka Cad ee ah in arrimuhu “ka duwan yihiin sidii loo qorsheeyay”, waxa ayse ku faantay waxa ay ku tilmaamtay hawlgal aad u guuleystay.
Weriyaha Aqalka Cad ee BBC, Bernd Debusmann Jr, ayaa markaas weydiiyay Leavitt in madaxweynuhu weli aaminsan yahay in Maraykanku door ku yeesho doorashada hoggaanka cusub ee Iiraan?
Waxay ku jawaabtay: “Waxaan u maleynayaa in madaxweynuhu si cad u shegay in Maraykanku uu rabo hoggaan ka jira, kaas oo noqda mid u roon iyaga,” isla markaana la shaqeeya Maraykanka oo “aan mar dambe ku dhawaaqin ‘Ameerika ha dhimato’. Taasi dabcan way fiicnaan lahayd.”
Suxufi kale ayaa weydiiyay hadalladii dhawaa ee Donald Trump ee ahaa in isbeddel nidaam (regime change) uu ka dhacay Iiraan.
“Ma dhicin miyaa?” ayay Leavitt ku jawaabtay. “Hoggaankoodii oo dhan waa la dilay, cidna si dhab ah looma arag ama looma maqal hoggaamiyaha cusub ee la sheegayo, markaa miyaanay kula ahayn in isbeddel nidaam dhacay? waxa ay intaas ku dartay “Waxaa dhacay isbeddel hoggaamineed oo nidaamka ah, taasina waa waxa madaxweynuhu sheegay.
Iiraan waxa ay hogaamiyaha cusub u magacawday wiilka uu dhalay Hogaamiyihii la dilay ee Ayatullahi Ali khemenei. Mujtaba Khemenei.

