Waxaa sii xumaanaya amniga gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ay kordhayaan falalka amni darro ee ka dhacaya halkaasi.
Falkii ugu danbeeyey ayaa ahaa qaraxii shalay ka dhacay xerada ATMIS ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxaasi ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday labbo askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen askar kale oo goobta ku sugnaa.
Markii uu qaraxu dhacayey xerada waxaa ku sugnaa ciidamo Soomaaliya ah, waxaana saraakiisha dhaawacantay ka mid ah taliyaha saldhiga booliska Qoryooleey Cali Waal iyo Cabdikariin Cadow oo ah taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiishii goobta ku sugneyd.
Amni darada gobolka ayaa sii kordheysa, iyadoo Al Shabaab ay joogteeyeen weerarada ay ka fulinayaan gobolkaasi.