Monday, September 15

(Hortabin Media) – Qal qal xooggan ayaa ku yimid amniga magaalada Muqdisho, xilli ay soo kordhayaan falalka lidiga ku ah amniga ee magaalada ka dhacaya.

Shalay ayaa ugu danbeysay, waxaa gudaha magaalada ka dhacay qarax loo adeegsay gawaarida raaxada, kaas oo dhaliyey khasaare kala duwan.

Amniga magaalada ee sii xumaanaya, ayaa wal wal ku noqday dadka rayidka ah, oo naawilayey in amniga magaalada uu wax iska baddeli doono, maaddaama caasimada loo sameeyey ciidamo gaar ah.

Al Shabaab oo ah kuwo qal qalka galinaya amniga magaalada, ayaa doonaya in ay isaga dabciyaan culeyska ciidan ee ka saaran gobollada dalka, oo uu ka socdo guluf looga soo horjeedo.

Si kastaba, qubarada amniga ayaa sheegaya in ay yar tahay wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha amniga, waana sababta rasmiga ee ka danbeysay weerarada Al Shabaab ay ku fulinayaan Muqdisho.

Exit mobile version