(Hortabin Media) – Waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyey magaalada Muqdisho ka dhacay, weeraro kala duwan oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo ay masuuliyadooda sheegteen kooxda Al Shabaab.
Falalkan amni darro ee soo noq noqonaya ayaa cadeynaya in weli aan wax badan laga qaban amni daradii ka jirtay caasimada, maaddaama ay weli ka dhacayaan falal lidi ku ah xasiloonida.
Weeraradan ayaa imanaya xilli magaalada loo sameeyey ciidamo gaar ah, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Ugandha, laguna magacaabo Boliis milataro.
Amni darrada Muqdisho oo wal wal ku abuurtay shacabka, ayaa sidoo kale sii kordheysa, iyadoo inta badan wadooyinka Muqdisho ay xiran yihiin.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa shaki ka muujinaya ciidamada lagu haleeyey amniga magaalada, waana kuwa sheegaya in ay macquul tahay in ay ku dhex milan yihiin xubno Al Shabaab daacad u ah.