(Hortabin Media) – Waqtigan waxaa shaki ballaaran la galinayaa amniga magaalada caasimada ee Muqdisho, oo saacadihii ugu danbeeyey ay ka dhaceen falal amni daro.
Kooxda Al Shabaab ayaa shalay qarax miino ka fulisay degmada Dayniile, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaasi ayaa walaac ku abuuray dadka caasimada, oo naawilayey xasilooni dhanka amniga ah oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ay ku nagaayeen.
Bulshada rayidka ayaa ciidamada xasilinta amniga caasimada kula taliyey in ay howlahooda laba jibaaraan si rayidka looga ilaaliyo waxyeelo soo gaarta.
Si kastaba amni darada caasimada ka soo cuboonaatay ayaa ku soo beegmeysa xilli caasimada loo sameeyey ciidamo gaar ah, oo taagan dhamaan isgoysyada Muqdisho.