Saturday, September 13

Labadii Toddobaad ee la soo dhaafay waxaa si aad ah looga deyrinayaa amniga magaalada Garoowe, oo caasimad u ah maamulka Puntland.

Sida ay warbaahintu tabineysay waxaa Magaalada ka dhacay falal u badan dhac, oo ay ku kacayaan rag qal qal galinaya amaanka magaalada.

Booliska oo xalay sameeyey howlgal ballaaran ayaa gacanta ku soo dhigay, dad badan oo ku eeddeysan falalkaasi lidiga ku ah amniga.

Taliye ku xigeenka qaybta booliska Gobolka Nugaal Maxamuud Muuse Bile, oo saxaafada kula hadlay Garoowe, ayaa xusay in falalkaasi amni darrada, ay ku lug lahaayeen dadka isticmaala maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Taliye Maxamuud Muuse Bile, ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada maandooriyaha, kuwaas oo uu xusay in xabsiga loo taxaabi doono, haddi lagu soo qabto, howlgallada ay wadaan booliska Garoowe.

Amniga Garoowe ayaa faraha ka baxayey, tan iyo markii la isku maandhaafay, doorashadii qabsoontay ee qof iyo codka ahayd, waxaase iminka booliska ay isku dayayaan in xaaladda ay ku soo celiyaan xasiloonidii hore.

Exit mobile version