Thursday, September 11
Amniga magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu danbeeyey soo hagaagayey ayaa iminka u muuqda mid aan weli xasilneyn, waxaana magaalada ka dhacay weeraro kala duwan.

Dhacdadii ugu horeysay ee anfariirka lahayd ayaa ahayd tii Xabsiga dhexe ka dhacday, halkaas oo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab loogu geeyey hub ay ku dagaallamaan si ay xabsiga uga soo baxsadaan, balse fashil ku dhamaatay.

Sidoo kale waxaa habeen hore Muqdisho ka dhacay qarax gaari loo adeegsaday kaas oo lagu beegsaday maqaayad lagu caweeyo oo lagu magacaabo Top Coffee, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Falalkan amni darrada ah waxaa naftooda ku waayey muwaadiniin ku dhaw 20 qof, waxeyna horseedeen qal qal amni oo xooggan, taas oo keentay in shacabku ay muujiyaan walaac dhanka amniga ah.

Su’aalaha la is weydiinayo ayaa ah waxyaabaha fududeeyey in goobahaas ay weeraro ka dhacaan, maddaama si aad ah loo sugayo amniga magaalada oo ay yaalaan dhowr baro koontorool.

Si kastab falalkan amni darro ayaa muujinaya in weli amniga Caasimadu aanu xasilneyn, waxaana dowladda iyo hay’addaha amniga laga sugayaa xaqiijinta amniga magaalada iyo jawaabo ku aaddan sidii ay falalkan u dhaceen iyo cida fududeysay.

Exit mobile version