Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isticmaalka noocyada kala duwan ee bacaha, laakiin amarkaasi ayaa u muuqda in sidii la rabay aan u dhaqangelin, waxaana soo if baxeysa in bulshadu ay ka dhaga adeegayaan awaamiirta lagu joojiyey Bacda
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa bishii hore dadka uga digay in ciddii lagu arko iyagoo bac ku ganacsanaya in talaabo laga qadi doono, balse weli arrintaasi ma dhaqan gelin.
Sida la ogyahay Muddo badan-ba, Bacda ayaa ahayd tan ugu caansan ee ay bulshada ku ritaaan adeegyada muhimka u ah, oo ay ku jirto cuntada bisil ee ay maqaayadaha ka dalbadaan,
Dr Yoonis Khaliif Cilmi oo ku xeeldheer arrimaha deegaanka ayaa sheegay in isticmaalka bacdu ay keento xanuuno ay ka mid yihiin kansarka, isagoo intaasi ku daray in carada ay la falgasho aan loo adeegsan karin ama lagu beeri karin wax dalag ah.
Axmed Maxamed Ibraahim, wuxuu ka mid ah dadka Muqdisho ee sida joogtada ah u isticmaala bacda. Axmed hadda wuxuu qirayaa in bacuhu ay halis ku hayaan dadka iyo duunyadaba, isagoo dhinaca kale sheegay inuu goobjoog u ahaa xoolo u geeriyooday baco ay cuneen.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah shacabka ayaa dowladda usoo jeedinaya in ay keento agabkii baddeli lahaa bacda, si bulshadu ay uga kaaftoomaan halista ay bacdu leedahay sida uu sheegayo Saalax Mustaf Aaden oo ka mid ah dadka sida aadka ah u isticmaala bacaha.
Si kastaba in kastoo amarka bacauhu soo baxay bishi hore, haddana waxaana inta badan Caasimada waqtigan laga isticmaalaa noocyada kala duwan ee bacaha, taas oo loo sababeynayo baraarug yari dhanka bulshada ah iyo iyagoo ilaa iyo iminka aanan heynin wixii baddelka bacda u gali lahaa.