Saturday, September 13

Xafiiska hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo dhisme lagu wado Xaruntii hore Iskaashatooyinka Soomaaaliyeed ee Degmada Warta Nabadda.

Xafiiska hanti dhowraha guud ee Qaranka, ayaa dhismahan ku tilmaamay, mid sharci darro ah, oo aanay ka warqabin Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska hanti dhowraha ayaa howshan dhismaha ku eedeeyey in ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, kuwaas oo damacsan in ay boobaan dhulka Dowladda, waxaanu ugu baaqay in ay ka waantoobaan.

Amarka ka soo baxay Xafiiska hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa ku soo beegmaya, xilli Dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in ay dagaal kula jirto Masuq maasuqa.

Exit mobile version