Sunday, September 14

kooxda Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weeraro is xig xiga ku soo qaaday deegaanka Goofguduud Buureey, oo ah degaan istaraatiiji ah.

Deegaankan ayey Al Shabaab doonayaan in ay gacanta ku dhigaan, si ay u go’doomiyaan magaalada Baydhabo, oo ay kaga beegan tahay dhanka galbeed, iyadoo u jirta 30-km.

Al Shabaab ayaa horey deegaankan gacanta ugu haayey, waana tan sababtay in muddo ay go’doon ahaato Baydhabo, waxaana arrintaasi ka dhashay dhibaatooyin kala duwan oo xaga nolosha ah.

Weeraradii ugu danbeeyey ciidamada ayaa iska caabiyey, waxaase sida muuqata ay hanashada deegaankan ay Al Shabaab ku bixinayaan juhdi aad u xooggan.

Dowladda Soomaaliya ayey qubarada amnigu ugu baaqayaan, in ay ciidamo dheeraad ah ku xoojiso, kuwo jooga Goofgaduud Buureey, si uu u dhicisoobo hamiga Al Shabaab ee qabsashada deegaankaasi.

Exit mobile version