Sunday, September 14

Kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka oo socday ku dhawaad 4-saacadood, ayaa waxaa kooxdii weerarka soo qaaday iska caabiyey ciidamadii ku sugnaa saldhiga Arbacow ee Ceelasha Biyaha.

Dhinacyada ayaa intii uu dagaalka socday  isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana daryanka hubka laga maqlayey guud ahaan duleedka Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lamo ogga khasaaraha uu sababay dagaalkaasi, welina labada dhinac wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkii dhacay.

Xaaladda ayaa saakay degan, waxaana si rssmi ah u furan howl maalmeedkii deegaanka Ceelasha Biyaha.

Exit mobile version