Kooxda Al Shabaab ayaa weerar culus ku soo qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa dagaal kala hortagay kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Intii uu dagaalku socday dadka deegaanka ayey la soo daristay baqdin xooggan, waxaana badankooda ay ka barakaceen aqaladoodii.
Al Shabaab ayey ugu danbeyntii usuura gashay in ay saacado kooban gacanta ku hayaan Tuulada, inkastoo markii danbe laga bixiyey, balse intii ay ku sugnaayeen kooxda ayaa gubtay aqalo badan oo ay dad rayid ahi daganaayeen.