Friday, September 12

Kooxda Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya, kuwaas oo marayey degaanka marinani ee waqooyi bari Kenya.

Weerarkan ayaa ku billawday qarax miino, kaas oo lala eegtay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ee ay saarnaayeen ciidamada Kenya, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah, oo dhex maray labada dhinac.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ay Al Shabaab ku qaadeen ciidamada Kenya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta la wadaagay in intii uu dagaalku socday ay dhinacydu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo wal wal ku abuurtay rayidkii goobta ka agdhawaa.

Waxaa sanadihii ugu danbeeyey siyaaday weerarada ay Al Shabaab ku qaadayaan ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada waqooyi bari dalkaasi, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegaa joogitaankooda Soomaaliya, maaddaama ciidamadooda ay qeyb ka yihiin howlgalka ATMIS.

Exit mobile version