Kooxda Al Shabaab ayaa caawa weerar culus ku qaaday bar-koontorool oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile.
Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah, ayaa socday ku dhawaad 3 saacadood, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay.
Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana daryanka rasaasta laga maqlayey guud ahaa xaafadaha Muqdisho.
Dhinaca kale Caawa fiidkii waxaa Muqdisho ka dhacay qarax uu fuliyey qof naftiisa halige ah, kaas oo isku qarxiyey gudoomiye ku xigeenkii degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxan waxaa ku dhintay gudoomiye ku xigeenkii degmada Marka Cabdikariin Macallin Afarsheegle, kaas oo howlo shaqo u joogay gudaha Muqdisho.
Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey nabdooneyd,waxaana falkan uu noqonayaa mid muujinaya amni darrada soo kordheysa.