Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku geysaneyso gudaha dalka Kenya, waxaana kordhaya khasaaraha weeraradaasi ka dhalanaya.
Sida ay daabacday wakaaladda wararka ee AFP, Sabtidii aynu ka soo gudubnay Kooxda Al Shabaab ayaa meel u dhaw deegaanka Lamu ku dilay 5 qof oo rayid ah.
Warbixinta ayaa sheegeysa in 5 qof ee la dilay, qaarkood la gowracay, waxaana ku jiray arday dhiganayey dugsiga sare.
Warbaahinta taageerta Al Shabaab oo weerarkan ka hadashay ayaa sheegtay inuu jawaab u yahay, dhibaatooyinka ay Kenya ka geysaneyso gudaha Soomaaliya.
Dhawaan ayey ahayd markii 8 sarkaal ay ku geeriyoodeen qarax loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan booliska Kenya.