Sunday, September 14

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 10 ka tirsan Ciidamada Danab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka Kismaayo.

Al Shabaab ayaa sheegtay in 10-ka askari ee ay dileen uu ku jiro Sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Suleymaan.

Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka Kismaayo, wuxuuna ahaa qarax lala eegtay fariisin ay ciidamada danab ku lahaayeen halkaasi.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay sidoo kale gubeen 2-gaari oo ay lahaayeen ciidamads Danab, waxaana bartooda Internetka ay soo dhigeen muuqaallo iyo sawiro muujinaya khasaaraha uu weerarkaasi gaystay.

Exit mobile version