Monday, September 15

Kooxda Al Shabaab ayaa qorsheyneysa in ay furin cusub ka furto Shabeelaha dhexe, si ay isaga weeciso caddaadis adag ee saaran deegaanada ay ka joogaan bartamaha Soomaaliya.

Kooxda ayaa durba soo degtay duleedka Degmada Qoryooleey, iyagoo qorsheynaya in ay halkaasi ka weeraraan fariisimada ay ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ku leeyiihiin degmadaasi.

Arrintaan ayaa keeneysa in dowladda Soomaaliya ay ciidamo hor leh usoo daabusho Shabeelaha hoose, waana qorshaha ay doonayaan Al Shabaab, kaas oo ka kala yareynaya culeyska ka heysta gobollada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa guluf culus ka wada Bartamaha Soomaaliya, waana arrinta Al Shabaab ku xanbaartay walaaca ba’an ee la soo darsay waqtigan.

Exit mobile version