Tuesday, September 16

(Hortabin Media) – Qal qal dhanka amniga ah ayaa soo wajahay gobolka Gedo, halkaas oo saacadihio ugu danbeeyey ay gaareen Al Shabaab aad u tiro badan.

Kooxda ka tirsan Al Shabaab ayaa saldhigtay deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo, iyagoo maleegaya weeraro culus oo ay halkaasi ka geystaan.

Culeyskan dhanka amniga ee la soo darsay gobolka Gedo, ayaa waxaa cabsi xooggan ka muujiyey dadka rayidka ah ee gobolkaasi ku sugan.

Arrintan waxaa sidoo kale ka hadlay Maamulka gobolka Gedo, oo Jubaland ka dalbaday ciidamo dheeraad ah, si ay isaga caabiyaan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ay dhowr jiho uga furto dagaallo kala duwan, xilli kooxda uu caddaadis adag ka heysto gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Exit mobile version