Sunday, September 14

Kooxda Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib markii ay dhabaha u galeen, ciidamo ku sii jeeday degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa ka ambabaxay deegaanka Number Konton ee duleedka Muqdisho, waxaana weerar culus oo jidgal ah ay kala kulmeen kooxda Al Shabaab, oo heysay xogta socdaalka ciidamadan.

Weerarka Ciidamadan ka tirsan dowladda lagu qabtay ayaa ka dhacay meel u dhaxeysa deegaanada Buulonagey iyo Jilib-marka, halkaas oo ahayd goobtii ay marayeen ciidankan ka tirsan dowladda.

Ragga gacanta lagu dhigay oo uu mid ka mid ah dhaawac yahay, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Muuse Xasan Cabdi iyo Aweys Xasan Abshir oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya iyo Maxamed Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Nabad sugidda gobolka Sh/Hoose.

Kooxda Al Shabaab ayaa raggan u wadatay saldhigyada qarsoodiga ah ee ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dhawaan sida looga bartay Al Shabaab ay ka soo muuqan doonaan warbaahinta ku hadasha afkooda.

Exit mobile version