Saturday, September 13

Kooxda Al Shabaab ayaa goob fagaare ah ku taagtay rag ay ku eedeeyeen in ay yihiin basaasiin, u shaqeynayey dowladda Soomaaliya iyo tan Mareykanka.

Raggan oo tiradoodu tahay 5- ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla Degmada Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxeyna Al Shabaab dadka deegaanka ku qasbeen in ay daawadaan xukunka toogashada ah ee ay fulinayaan.

Ma jirto Maxkamad rasmi ah oo la soo taagan ragga la toogtay, kuwaas oo aanan helin xuquuq ku aaddan in ay qabsadaan qareen difaaca.

Ragga la toogtay da’doodu waxey u dhaxeysay 28 ilaa 52 sano jir, waxeyna warbaahinta Al Shabaab warisay in raggan ay qirteen falka lagu soo eedeeyey ee basaasnimada ah.

Al Shabaab ayaa inta badan xukunno toogasho ah ka fuliya deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyagoo goob fagaare ah isugu keena dadka goobtaasi ku sugan, si ay u daawadaan kuwa ay tooganayaan, taas oo ka dhigan dhambaal cabsi galin ah.

Exit mobile version