Thursday, September 11

Kooxda Al Shabaab ayaa waqtigan saameyn ballaaran ku yeelatay amaanka dalka Kenya, waana kuwo soo kordhiyey qal qal iyo cabsi la soo gudboonaaday dowladda.

Weerarada kooxda ay ka fulinayaan gudaha Kenya oo badanaya, ayaa fariin dhab ah u direya dowladda Kenya, kuwaas oo iminka ku howlan qorshihi ay ku xaqiijin lahaayeen amaanka dalkooda.

Kal hore Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo hadlay ayaa wal wal ka muujiyey weerarada ka imaanaya Al Shabaab, wuxuuna xusay in ay wadaan qorshe ay Al Shabaab uga cirib tirayaan gudaha Kenya

Labadii bilood ee ugu danbeysay oo qura Al Shabaab waxa ay Kenya ka fuliyeen wax ka badan 10 weerar, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarkii ugu danbeeyey oo ahaa sabtidii waxey ku dileen 5 qof, kuwaas oo ay qaarkood gowraceen, waxaana weerarkaasi ka sii horeeyey qarax lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay leeyihiin boolis Kenya, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 8 sarkaal.

Al Shabaab oo sheegtay dhamaan masuuliyadaha weeraradaasi, ayaa ku macneeyey mid ay Kenya uga aargudanayaan, sababo la xiriira ciidamada ay Soomaaliya u soo dirtay.

Exit mobile version