Saturday, September 13

Shabaabka ayaa sara u qaaday caruurta ay u qorayaan ciidan ahaanta, iyadoo waalidiinta ubadkaasi ay ku adag tahay in ay ku dhiiradaan ka dhiidhinta falalkaasi guracan.

Al-Shabaab oo ah koox ku caan-baxday askareynta caruurta, ayaa iminka laba jibaartay ubadkii ay ku tashkiilin jirtay afkaarta xagjirnimada ah.

Kooxda ayaa mudooyinkan xulaneysa kuwa aadka u da’da yar, waxanna maleeshiyaadkooda lagu dhex arkay caruur ka yar 13-sano, taasoo ay walaac badan ka muujinayaan Ururada u dooda xuquuda caruurta.

Al- Shabaab ayaa waalidiinta caruurta uga soo wata in ay barayaan diinta, waxanna kadib ay kala xushaan ubadkaasi, iyagoo qaarkood u tababara in ay ka mid noqdaan amniyaadkooda halka kuwa kalana ay ka daraan jabhadaha weerarada ku qaada fariisimaha ciidamada Dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta.

Caruurta ayey kala soo dhuuntaan waalidiintooda, iyadoo qeyb ka mid ah ubadkaasi lagu tashkiiliyo in ay naftooda biimeeyaan, isla markaana fuliyaan qaraxyo, waxanna kooxda oo garaadka kooban ee caruurtasi  ka faa’iideysaneysa ay ka dhaadhiciyaan inay janadda galayaan qofkii is qarxiya iyo waalidiintiisaba.

Falalkan askareynta oo ay Shabaabku ka sameyaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, ayaa suura galineysa in waalidiinta caruurtaasi ay ku dhiiran waayaan in ay ka dhiidhiyaan dhibta lagu hayo ubadkooda iyo halista culus ee ay wajahayaan.

Askereynta caruurta ayaa waqtigan, waxa ay si aad ah ugu badan tahay Gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo ay ku xooggan yihiin kooxda Al-shabaab, oo in ka badan 15 sano dagaal kula jirta nidaamka dowladdnimo ee Soomaaliya.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version