Monday, October 27

Muqdisho (HM) – Weerar loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay  iyo dagaal toos ah ayaa  saaka lagu qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka  ayaa Hortabin Media u sheegay in uu jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkaasi waxaana weerarka ku geeriyooday taliye ku-xigeenka kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo kamid ahaa saraakiisha hoggaamineysay howlgallada.

War kasoo baxay ururka Al-Shabaab ayeey ku sheegteen in qasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada DFS iyo dadka deegaanka oo isgarabsanaya waloow dhinacooda aysan sheegan qasaaraha  dhankooda soo gaaray. Dhinaca kale, dowlada Somaaliya ayaa guulo ka sheegatay weerarkii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degmada Galacad.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dagaal culus oo ka dhacay degmada Galcad lagu jabiyay  Al-Shabaab, isla markaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka sidoo kalena laga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gawaarida gaashaaman oo Al-Shabaab ay  xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Abdirahman Waaberi

Exit mobile version