Monday, September 15

Kooxda Al Shabaab oo lagala wareegay degmada Ceelbuur, ayaa gabi ahaanba hore u kaxeystay shacabkii halkaasi ku noolaa, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha maamulka degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale, oo in muddo ah dibad joog ka ahaa magaaladaasi.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Al Shabaab ay doonayaan in shacabka ay ka dhigtaan gabaad, wuxuna xusay in qaab qasab ah lagu kaxeeyey dadkii ku noolaa Ceelbuur.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay, in gudaha magaalada aanu ka jirin wax horumar ah, taas oo qasab ka dhigeysa in lala gaaro adeegyadii bulshada muhiimka u ahaa.

Ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay Ceelbuur, iyadoo haawaneysa oo aanu hal qof ku sugneyn, mana jirin wax dagaal ah oo ay la galeen kooxda Al Shabaab, kuwaas oo magaalada sii faarujiyey.

Sida maamulka Ceelbuur uu warbaahinta u sheegay, iminka waxaa magaalada ka socda howlgal lagu xaqiijinayo amniga, maddaama magaalada ay sanado badan ka talinayeen Al Shabaab.

Exit mobile version