Kooxda Al Shabaa ayaa guulo ka sheegtay weerar jid gal ah oo ay ku qaadeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwo Itoobiya ee qeybta ka ah howlalka nabad ilaalinta midawga Afrika.
Weerarkan oo ka dhacay meel u dhaxeysa deegaanada Rabdhuure iyo waajid ee gobolka Bakool ayey Al Shabaab sheegeen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.
Weerarka ayaa lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo marinkaas isticmaalayey, waana mid ku billawday miino wadada lagu aasay, taas oo sida kooxdu sheegeen ay la eegteen mid ka mid ah gawaarida ciidanka Itoobiya.
Qaraxa miinada kadib, waxaa goobta ka dhacay dagaal xoog badan oo ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midawga Afrika, weli kama aysan hadlin weerarkaasi iyo khasaarihii ka dhashay.