Duqeymaha ay la kulmayaan kooxda Al Shabaab ayaa kordhaya, waxaana kooxda dhawaan laga dilay in ka badan boqol dagaal yahan.
Weerarkan boqolka lagu dilay ayaa la dhacay deegaanka Shabeelow, halka dowladda dhawaan ay sheegtay in 1,650, oo Al-shabaab ah la dilay bilihii ugu danbeeyey.
Kooxda ayaanan ka hadlin, dhibaatada duqeyntan ka soo gaartay, waxaase la rumeysan yahay in ay dhalisay khasaare baaxad leh.
Wal walka kooxda ay ka dhaxleyso duqemaha ayaa kordhaya, halka weerarada lagu beegsanayana ay isi soo tarayaan.