Monday, September 15

(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa waqtigan xoogga saareysa sidii ay u tashkiilin lahaayeen dhallinyaro cusub, kuwaas oo ay u qorayaan ciidamo, ku dagaallama ahdaaftooda.

Kuwa la tababaray oo kor u dhaafay ilaa 200 boqol ayaa laga xushay 60 ka mid ah, kuwaas oo qaabilsan in ay fuliyaan weerarada ismiidaaminta ah.

Dhallinyaradan la marin habaabiyey ayaa laga dhaadhiciyey in dalkooda lagu soo duulay, sidaa awgeedna ay dhiigooda ku badbaadiyaan dhulkooda.

Xogta ah ragga 60-ka gaaraya ee loo diyaariyey in ay is qarxiyaan, ayaa waxaa warbaahinta dowladda u sheegay nin laga soo qabtay garoonka Baydhabo, kaas oo laga qaaday wareysi oo xogo badan ku fashilay.

Weerarada qaraxyada ee ka dhaca gudaha dalka, ayaa waxaa inta badan fuliya dhallinyaro ay marin habaabiyeen Kooxda Al Shabaab, waxaana dhallinta laga dhaadhiciyaa afkaar gurucan, si ay u waxyeeleeyaan bulshada.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version