Saturday, September 13

Al Shabaab oo 10-kii sano ee ugu danbeysay culeys ku hayey ganacsatada Muqdisho, ayaa waqtigan kordhiyey cadaadiska ay saarayaan ganacsatada ka shaqeysa caasimadda, kadib amarkii dowladda ee ku aaddanaa in aan kooxdaasi dhaqaale baad ah la siin karin.

Kooxdu hadda waxey si joogta ah ula soo xariirayaan ganacsatadii ka dhaga adeegtay in ay bixiyaan lacagihii baada ahaa, taas oo cabsi hor leh ku abuurtay ganacsatadaasi.

Ganacsatadan qaarkood oo Hortabin Media la soo xariiray, ayaa inoo sheegay in loo soo diray fariimo hanjabaad ah, halka qaarkoodna si toos ah loo soo wacay.

Al Shabaab ayaa ugu cagajugleysay ganacsatada in ay dili doonaan, waxaana amar lagu siiyey in ay soo shubaan lacagta lagu leeyahay, ama ay albaabada isugu dhuftaan ganacsiyadooda.

Kooxda Al Shabaab, ayaa lacagta baada ku kordhisay ganacsatadii bilihii la soo dhaafay aanan bixin lacagihii laga qaadi jiray, waana arrinta xaalka sii adkeysay, isla markaana sare u qaaday wal walka ay dareemayaan gacansatada.

Dagaalyahanada Al Shabaab, ayaa sanadihii ugu danbeeyey, dhaqaalle fara badan ka qaadayey ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan meelaha ay ka arimiyaan, iyagoo ururinta dhaqaalahaasi u xil saartay xubno iyaga ka tirsan, waxaana dhaqaalaha la siiyo badankiisa ay ku maareeyaan mushaaraadka kooban ee dhallinyarada ay marin habaabiyeen, halka qeybta kalana ay u adeegsadaan falalka lidiga ku ah amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xanibtay akoono fara badan oo ganacsatada ay lacago ugu diri jireen Al Shabaab, waxeyna ganacsatada uga digtay in ay Al Shabaab siiyaan lacago baad ah, balse xaaladda amni ee ganacsatada oo aan la kafaala qaadi karin, ayaa keentay in ay wadaan bixinta lacagihii hore looga qaadi jiray.

Exit mobile version