Monday, September 15

(Hortabin Media) – Meelo ka mid ah gobolka Shabeelaha dhexe waxaa ku go’doonsan xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo wajahaya xaalad aad u adag.

Xubnahan ka tirsan Al Shabaab ayaa si gaar ah ugu go’doonsan deegaanka Ciid-ciidka oo u dhaxeeya degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-fooldheere ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Toddobaadkan gudihiisa ayaa dagaalyahanadaasi qaarkood lagu duqeeyey halkaasi, waxaana laga dilay sida ay dowladdu xaqiijisay ilaa 200 oo dagaalyahano Al Shabaab ah.

Kuwo iminka halkaasi ku harsan oo tiradoodu gaareyso ilaa 300- ayaa isugu jira dagaalyahano ka tirsan kuwa loo yaqaan Jabhada iyo xisbiyada oo ka mid ah ciidamada Al Shabaab.

Ragga halkaasi ku go’doonsan ayaa la soo werinayaa in ay qoteen godad dhaadheer, waana kuwo baqdin xooggan ka qaba duqeymaha dhanka diyaaradaha ee maalmihii ugu danbeeyey lagu beegsanayey Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo wada howlgal xooggan ayaa sheegtay in ay ku daba jiraan ragaasi, isla markaana saacadaha soo socda la hareereyn doono, si gacanta loogu soo dhigo, nolol iyo geeriba.

WQ: Ayaanle Qosyte 

Exit mobile version