Sunday, September 14

Kooxda Al Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada Nabad sugida ku lahaayeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Weerarka ayaa ku billawday bam-gacmeed ay ku tuureen ciidamada, waxaana xigay dagaal saacado kooban socday.

Ilaa iyo iminka lama ogga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, welina hay’adaha amniga kama aysan hadlin.

Amniga Muqdiso ayaa maalmahan sii xumaanaya waxaana soo badanaya falalka isugu jira dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ee ka dhacaya caasimada.

Exit mobile version