Sunday, September 14

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay addamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhex-mara xubnaha ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub.

Madasha heshiiska uu ka dhacay oo ahayd xarunta ururka Africa ee Brussels waxaa ku sugnaa oo Soomaaliya u saxiixay Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) oo ah Danjiraha Soomaaliya ee dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub.

“The Samoa Agreement” oo ah waxa heshiiskan loo yaqaano, ayaa ah mid dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub.

Heshiikan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ku dhowaad $5 bilyan laga cafiyay, isla markaana uu hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya rajo wanaagsan laga muujinayo.

Wuxuu sidoo kale heshiiska imaanayaa xilli dhawaan Soomaaliya laga qaaday cunno qabateyntii dhanka hubka ee saarneyd mudadda dheer.

Dhinacyada uu u dhaxeeyo heshiiskan ayaa iska kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul insaanka, taas oo ahmiyad weyn ugu fadhisa Soomaaliya.

Exit mobile version