Dowladda Soomaaliya ayaa ceyrisay Agaasimhii Turkiga u qaabilsamaa Isbitalka Digfeer, kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Arrintan waxaa ka warbixiyey Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo hortegay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.
Wasiirka ayaa sheegay in Isbitalka ay wada maamulaan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana uu Agaasimaha la ceyriyey uu muujiyey madax adeeg ku aaddan howlaha maamul ee loo igmaday.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray, in hadda wixii ka danbeeya ay Wasaarada Caafimaadku soo magacaabeyso Agaasimaha Isbitalkaasi, taas oo sida uu tilmaamay uu dhigayo heshiiskii ay labada dowladood kala saxiixdeen.