Monday, September 15

Weriye Xasan Kaahiye, Agaasimihii hore ee Tv-ga Somnews, oo ka mid ah saxafiyiinta ugu firfircoon gudaha dalka, howsha saxaafadana muddo dheer ku soo jiray, ayaa si adag uga hadlay xariga weriye Maxamed Ibraahim Bulbul, xilli uu ka qeyb galay kulan looga soo horjeedo xariga saxafigaasi oo ka dhacay Muqdisho.

Agaasime Xasan Kaahiye oo ku hadlayey magaca warfidiyeenada ka howl-galla gudaha Caasimada, waxa uu sheegay ugu horeyn in muhiimada isu imaatinkooda uu yahay caddaalad u raadinta weriye Maxamed Ibraahim Bulbul.

Xasan Kaahiye ayaa carabka ku dhuftay in muwaadinka la soo eedeyn karo, lana xiri karo, balse wuxuu walaac ka muujiyey xanuunka ay leedahay in laga tallaabsado mid ka mid ah xeerarka dalka u dagsan ee dhigaya in muwaadinka Soomaaliyeed maxkamad la’aan aan xabsiga lagu heyn karin wax ka badan 48-saac, sida sharcigu qorayo.

Xasan Kaahiye wuxuu dhanka kale wal wal ka muujiyey in warbaahinta laga xirtay albaabada, isla markaana aan loo soo bandhigin waxyaabaha lagu heysto weriyaha iyo waayaha uu ku qaabilayo gudaha xabsiga.

Agaasime Xasan Kaahiye ayaa dowladda si xumshad ku dheehan tahay uga codsaday in weriye Bulbul uu helo xoriyadiisa, isla markaana la horgeeyo maxkamadaha awooda u leh eedaha lagu soo oogay.

Halku-dhigga kulankan oo ahaa, Xariga weriye Bulbul, Xaqna ma ahan, Xeerna Ma ahan, ayuu ugu danbeyntii Agaasime Xasan Kaahiye, ka sheegay filashadiisa taas oo ahayd, inuu sareeyo sharciga, uuna shaqeeyo xeerkii saxaafada ee dhawaan la meel mariyey.

Gudaha Soomaaliya, waxaa adag in ay ku shaqeeyaan warfidiyeenada, iyagoo si joogta ah ula kulma tacadiyo kala duwan, kuwaas oo ka hor-istaaga in ay sii wataan howlahooda shaqo.

Inta badan Saxafiyiinta ayaa u dhabar adeeg sii wadida howsha warbaahineed ee ay bulshada u hayaan, waana kuwo ka gudba cadddaadis walba oo ay saareen dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

WQ: Ayaanle Abdirahman Qoyste 

Exit mobile version