Friday, September 12

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa caawa ka qeybgalay afur-wadareedka sannadlaha ah ee Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed.

Munaasadda Afur-wareedka sannadlaha ah ee madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed waxaa isugu yimid mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha guddiga waxka badalka iyo dhameystirka Dastuurka iyo masuuliyiin ka kala socda bahda cadaaladda iyo aqoonyahanka sharciga, sida barayaasha sharciga iyo qaanuunka ee jaamacadaha dalka, garsoorayaasha heerarka kala duwan ee hay’adaha garsoorka, xeer-ilaaliyaasha, qareennada, bahda nootaayooyinka iyo ururrada kale ee qaanuunka iyo sharciga shaqada ku leh.

Wasiir Xasan Macallin ayaa dhiirigeliyay barashada iyo ku-shaqaynta qaanuunka, si loo helo bulsho sharcigu sarreeyo, garsoorkuna awood iyo tixgelin ku dhexleeyahay.

Exit mobile version